Kulan looga Hadlayay la Xisaabtanka Baarlamaanka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawiro)

1004

Kulan Ku saabsan siddii loo la xisaabtami lahaa Baarlamaanka oo ay soo qaban qaabiyeen Wargayska Xaqiiqa Times iyo barnaamijka Wakiil ayaa lagu qabtay Huteell Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaal ka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Sharmarke Garaad, Xildhibaan Cabdifataax Maxamed, Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle iyo Xildhibaan Suleemaan Maxamuud Xaashi.

Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay qaar ka mid ah bulshada oo su’aallo waydiinayay xildhibaanada. Su’aallaha ugu badan ee xildhibaannada la weydiinayay ayaa waxaa ka mid ah sidda loo xisaabtami karo iyo cidda sharci ahaan la xisaabtami larta Xildhibaannada Qaranka.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay ka dhawaajiyeen inay muhiim tahay in la qabto kulamada looga hadlayo la xisaabtanka Baarlamaanka ayagoo Wakiil  iyo Xaqiiqa Times uga mahad cilin usoo jeediyay.

Su’aallaha ugu badnaa ee la  weydiiyay xildhibaannada ayaa waxaa ka mid ahaa dooda Ku aadan isqabqabsiga ka taagan 8 kursi oo Baarlamaanka ka tirsan oo horrey ay Maxkamadda sare ee dalka ay laashay sharci aahantooda.

Waxaa ay sheegeen in xildhibaannada Baarlamaanka waajib uu ka saaran yahay ilaalinta xasaanadda Baarlamaanka sidaas darteedna ay isu hortaageen in 8-da kursi doorashadooda lagu noqdo maadaama xilkooda markii horeba maxkamadda Sare ay u dhaarisay.

Waxaa sidoo kale xildhibaannada kulanka ka qayb galay waxa laga weydiiyay qaabka xildhibaannka uu u gudan karo waajibaadka ka saaran danta qaranka iyo tan deegaan doorashadiisa.

Hoos ka fiirso sawirada kulanka