Muqdisho – Kulan wadatashi oo labo maalin socon doono ayaa maanta ma furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo qaar kamid ah bulshada iyo aqoonyahano.
kulanka labada maalin socon doona ayaa lagu fallanqeyn doonaa arrimaha dib-u-eegista ee lagu sameeyay ee Dastuurka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalaaysha waxa uuna sharaxay ujeeddada iyo hannaanka shirku u socon doono.
Sidoo kale, Maxamed Gaagaab oo kamid ah xubin ka tirsan Gudigga La-socodka ee dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay shirka isaga oo ka warbixiyay howlihii badnaa ee la soo qabtay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.
Wasiir Ku-Xigeenka Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in aqoonyahanada shirka lagu casumay ay hortaallo howlo adag oo ah inay aragtiyadooda ka dhiibtaan arrimaha dalka ee masiiriga ah.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qaybgalo oo ka doodno aayaha dambe ee Soomaaliya, sida aad ogtihiin dastuurka inta ugu badan dib-u-eegis ayaa lagu sameeyay waxaana dooneynaa inaad taladiina ka dhiibataan; aqoonyahanada waxay kamid yihiin dadka ugu muhiimsan bulshada sidaa awgeed waxaan idinkaga fadhinaa inaad aqoontiina ku kordhisaan howlaha aan wadno”.
Dadka kulanka ka qeybgalaya, oo isaga jira aqoonyahano iyo qeybaha bulshada ayaa la lala wadaaga nuqul ka mid ah qodobada Dastuurka ee intii geedi socodkiisa lagu jiray dib-u-eegista lagu sameeyay si ay uga soo taallo iyo tusaali bixiyaan.


























