Kulan ku saabsan Sharciga Maareeynta Maaliyadda oo Muqdisho lagu qabtay

890

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan dhageysi dadweyne oo ku saabsan Hindse Sharciyeedka Maareeynta Maaliyadda Soomaaliya  (PFM).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa furay kulanka, waxa uuna sheegay in kulamadaan oo kale ay Shacabka fursad u siiyanayaan in ay wax badan ka ogaadaan sharciyada iyo hawlaha Maaliyadda iyo Miisaaniyada dalka. Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in arrintani ay  qeyb ka tahay hufnaanta iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Dhageysi dadweynaha ayaa waxa ka qeybgalay sidoo kale, Hanti dhawraha Qaranka, Agaasimaha Maaliyadda, ururada bulshada, khubaro dhanka Maaliyadda iyo dhaqaallaha ah iyo aqoonyahano.