Kulan ku saabsan Sharciga Axsaabta Siyaadda oo Muqdisho lagu qabtay

627

Kulan ay yeesheen maanta Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa looga hadlay waxka beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka oo dhawaan baarlamaanka la horgeeyay.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim muudey, sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

kulanka waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo Guddoomiyaha gudiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka qaranka ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga warbixin ka siiyay wax ka beddelka ay si wadajir ah ugu sameeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka.