Kulan ku saabsan Doorka Ganacsatadu ku leeyihiin Horumarinta dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

558

Muqdisho – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan ku saabsan doorka Ganacsatada ee ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulankaan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, bixinta canshuuraha iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Kulanka ayaa aad loogu fallanqeeyay kaalinta ay ganacsatadu ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo canshuur bixinta, sidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta Wasaaradda iyo Ganacsatada.

Munaasabadda looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Sheek Cali Qalocow, Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir Dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee ganacsatada iyo bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo doorka ay ku leeyihiin in dalka uu heerkaan soo gaaro maanta.

” Isku imaatinkaan ama shirkaan muhiimada uu leeyahay waxa waaye u mahadcelin in aan u mahadcelino ganacsatada Soomaaliyeed oo runtii dalkaan halka uu maanta tagan yahay soo gaarsiiyay, iyo in aan iswareysano oo wixii su’aalo oo shacabku qabo uga jawaabno. waxaan aad ugu mahacelinyaa African Development Bank (Bangiga Horumarinta Afrika) oo arrimahaan naga saacida ama naga taageeraa. In la isku yimaado, la wadahadalo, wax la is weydiiyo, wax la isla garto aasaaska horumarka weeyaan”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay muhiim in laga faa’iidaysto Kheyraadka ku jira dalkeenna, sida shidaalka, Gaaska iyo macdanta.

” Waddanka Soomaaliya haddii uu Yurub ku oolilahaa waxaa uu noqon lahaa dalka ugu wayn ee Ruushka xigga ayuu noqon lahaa. Xeebaha ugu dhaadheer Africa ayaa Alle na siiyay. 333 oo KM oo bad ah ayaan leenahay oo lays isku raacsan yahay in Kheyraadkeedu kan ugu badan yahay adduunyada marka la eego bad nuucaas ah”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocow ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulanka Wasiir dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ka hadlay doorka ganacsatada ee dhaqaalaha dalka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijyada Wasaaradda Maaliyadda ee la falgalida ganacsatad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta wax soo saarka dakhliga dalka iyo bixinta canshuuraha.