Kulan ku saabsan dardargelinta hawlaha Xukuumadda oo Muqdisho ka furmay

470

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan ku saabsan dardargelinta hawlaha wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furay kulankaan oo uu sheegay inuu sanadle yahay kaasi oo lagu fallanqeenayo horumarinta iyo sidii loo tayayn lahaa shaqooyinka iyo hawlaha Xukuumadda.

Kulankaan oo la qorsheeyay inuu socdo labo maalmo ayaa xoogga lagu saarayaa dib eegista qorshooyinkii wasaaradaha ee sanadkaan gabagabda ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka soo socda ee 2019-ka.

Wasiiradii maanta ka hadlay kulan ayaa soo bandhigay waxyaabihii iyo guulahii ay gareen sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019-ka.

Waxaa la filayaa in wasaaraha kale ee aan maanta ka hadlin shirka ay berri soo bandhigi doonaa waxqabadkooda iyo sidoo kalena la filayo in isla berri kulankaan la soo gabagabeeyo.

SHARE