Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in wasaaradu ay waddo qorshe ah in Dakedda magaalada Muqdisho ay shaqayso 24 saac.
Wasiir Beyle oo ka qeybgalay kulan ku saabsan sidii dakedda Muqdisho 24 Saac ugu shaqeyn laheyd ee uu shir gudoominayay R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Arrieta haddie ay hirgasho ay dhaqaalaha dalka uh kordhayo sidoo kalena ganacsatada si wanaagsan loogu adeegayo.
Waxaan ka qeyb galay shir muhiim ah oo uu shir gudoomiyay @DeputySomaliPM kaa soo aan uga hadalnay qaabkii ay Dakadda Magaalada Muqdisho 24 Saac u shaqeyn laheyd si dhaqaalaha Dalka uu kordho iyo in aan Ganacsatadeena si wanaagsan ugu adeegno #Somalia pic.twitter.com/5U5GBKqE52
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) July 24, 2018
Dakedda magaalada Muqdisho oo ah dakkedda ugu wayn Soomaaliya ayaan xilliyada habeenkii ah aan shaqayn.