Kulan Garoowe ku dhexmaray Madaxdweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

508

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa kulan kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahu Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafyada siyaasadeed iyo is-tuhunka wali ku dhex jira madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Inkastoo faahfaahin dheeraad ah aanay wali ka soo bixin kulanka ka hadana ilo madaxbanaan oo la helayo waxa ay sheegayaan in uu jiro isfahan la xiriira soo afjaridda khilaafka madaxda Dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxwynihii hore ee Dowlad Gobolleedka Puntland haddana ah Saneetar ka tirsan Aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole oo ka qeybgalay kulanka quraacda ah ayaa khudbadiisii xalay ku dalbaday in deg deg loo dhameeyo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada dalka iyada oo la tixraacayo Dastuurka iyo Sharciga

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha Puntland Dr. siciid Cabdulaahi Deni isla markaana qorshuhu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo hogaanka Dowladda Dhexe.

Lama oga waxa kasoo bixi kara kulanka hase ahaatee waxaa muuqda ifafaalo isku soo dhawaansho madaxda dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

SHARE