Saraakiil ka tirsan dowladda Suuriya aya shaaciyay in xoogaga Kurdishka ay heshiis ciidanka dowladda Suuriya lagu geynayo xuduudda si ay uga hortagaan duulaanka Turkiga aya la gaareen dowladda Madaxweyne Bashar Al Asad.
Heshiiskaan lama filaanka ah oo u dhaxeeya kooxda YPG, Suuriya iyo Ruushka ayaa yimid kaddib markii ciidanka Turkiga ay afar maalin hore gudaha u galeen Waqooyiga Suuriya markii ay iskaga baxeen ciidanka Mareykanka ee halkaas ku sugnaa.
Turkiga ayaa kooxda YPG ee Kurdishka u arka koox argagixiso ah oo ku xiran kooxda gooni u goosadka ah ee PKK oo sannado badan dagaal kula jirtay Turkiga.
Goob joogayaal ku sugan aagga dagaalka ka socdo ayaa xaqiijiyay in dad rayid ah oo 60 gaaraya ay ku dhinteen dagaalada , halka kumanaan kalena ay ka carareen guryahooda.
War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda YPG ayaa lagu sheegay in ay heshiis difaacida xuduudaha Suuriya ah la galeen dowladda Suuriya oo ay sheegeen in ay masuul ka tahay ilaalinta xuduudaha dalka. Muddo labo maalin gudahood ah ayay ciidanka Suuriya iskugu fidin doonaan deegaanada ku teedsan xuduudda Turkiga.
Telefishinka dowladda Suuriya ayaa ka hor inta aan la shaacin heshiiska dhexmaray dowladad iyo kooxda Kurdishka waxay ku warameen in ciidanka difaaca Suuriya uu ku dhaqaaqay xuduudaha Waqooyi si looga hortago waxa ay ku tilmaameen gardarada Turkiga.