Kooxda kubbadda cagta ee Elman ayaa galabta ku guuleeysatay koobka koobabka dalka.Koobkaan oo ay ku loolamaan kooxaha soo kala qaaday horyaalka iyo Jeneraal Daudka ayaa waxaa galabta wada ciyaaray Elman iyo Dekedda oo soo kala qaaday horyaalka iyo Jeneraal Daaudka.
Kooxda kubbadda Elman ayey guushii raacday kadib markii ay heleen gool ku laad .Gool ku laadkaas waxaa u xaqiijiyay ciyaarahanka lambarka todobaad u wata kooxda Elman, ciyaartiina waxay ku dhammaatay hal gool iyo waxba oo koobkii ay ku qaaday kooxda Elman.
Ciyaaraha kubbada cagta Soomaaliya ayaa sanadahaan danbe xiiso soo yeelana tan iyo intii la qalabeeyay garoomada kubbadda lagu ciyaaro.Soomaaliyana waxay waqti dheer kadib marti galin doontaa ciyaaro heer caalami ah.