Koonfur Galbeed oo ka hadashay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo

670

Muqdisho (UM) – Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan booliiska Federaalka Soomaaliya oo maanta dowladdu geysay magaalada Baydhabo.

Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed u sheegay waakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta geeysay ciidadamo Booliiska ah oo gaaraya 50 askari, iyadoo la sheegay in ujeedadoodu tahay in ay qaby ka noqdaan ama lagu xoojiyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 5 bishaan Diseembar.