Hey’adda sirdoonka dalka Koonfur Afrika ayaa jimcihii sheegtay inaysan ahayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Iiraan ay maleegeyso dilka safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika Lana Marks si ay ugu aargudaan General Qaasim Suleimani.
Warbixin lagu qoray warbaahinta Mareykanka toddobaadkii la soo dhaafay oo soo xiganeysay saraakiil magacyadooda aan la shaacin ayaa sheegtay in Iiraan qorsheyneyso dilka safiirka ee Koonfur Afrika ka hor doorashada Mareykanka ee bisha November.
Sirdoonka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay si dhab ah u eegayaan khatar kasta oo ku wajahan danjirayaasha shisheeye ee dalkeeda jooga ilaa haddana aysan heyn caddeyn dhammeystiran.
Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa dhawaan beenisay eedda iyada oo ku tilmaamay qaab dugoobay oo la doonayo in lagu abuuro Iiraan nacayb.
Tan iyo dilkii taliyihii ciidanka ilaalada kacaanka General Qaasim Suleimani oo lagu dilay magaalada Baqdaad waxa sii xoogeystay xiisadda Mareykanka iyo Iiraan.
Iiraan iyo Mareykanka ayaa xiriirkoodu xumaa tan iyo sanadkii 1979 markii uu dalkaa ka curtay kacaankii Islaamiga ahaa ee lagu afgambiyay boqortooyadii Mareykanka saaxiibka la ahayd ee Maxamed Reza Shah.