Koofi oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Boosaaso

564

gaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri  ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso  oo ah Garoon  casri ah ee dalka laga dhisay sanadkii aan soo dhaafnay.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa  hay’adda ka dib mudo ka badan 25 sano oo dalka dagaalo ku soo jiray.

SHARE