
MUQDISHO(UM)—Hogaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in gacanka Kuuriya uu noqdo meel ka caagan Hubka wax gumaada Nuclear-ka.
Kim ayaa sheegay in dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay la yimaadaan gawi nabadeed ee ka dhasha gacanta Kuuriya.
“Waxaa iga go’an in Kuuriya ay ahaato meel ka caagan hubka Nuclear ka sidii ay uga go’nayd madaxwaynihii hore Kim Il-sung iyo xoghayihii Guud ee hore Kim Jong-il” ayuu sheegay hogaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga dalka Kuuriya Kim Jong Un, sida lagu xusay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Shiinaha.
Hogaamiyaasha uu Kim xusay ayaa kala ahaa Aabihii iyo Awoowgiisa kuwaasi oo dalkaasi horay u soo maamulay.
Kim Jong Un, ayaa hadalladan sheegay ka dib booqasho aan hore loo shaacin oo markii ugu horaysay tan iyo intii uu xilka qabtay uu Ku tagay dalka ay dariska yihiin ee Shiinaha.
Hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa la kulmay madaxwaynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, kulankaasi oo ka dhacay hoolka loo yaqaano “Hoolka wayn ee dadka” (Great Hall of the People) waxaana uu Ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Beijing.
Waxaa Kim, markii ugu horaysay uu shaaciyay inuu doonayo inuu la kulmo madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Booqashada hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee dalka Shiinaha ayaa ahayd mid warbaahinta laga qarinayay, ayadoo magaalada Beijing laga hergaliyay goob ka caagan wariyaasha gaar ahaan agagaarka madaxtooyada dalka Shiinaha.
Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha ayaa maanta shaaciyay booqashada Kim uu Ku tagay magaalada Beijing.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Shiinaha ayaa booqashada hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa ay Ku tilmaantay inay ahayd booqasho aan rasmi ahayn.
Kulanka madaxda Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ka dib madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay inuu soo dhowaynayo kulanka dhexmaray Xi Jinping iyo Kim Jong Un.