Kim Jong-un oo uga digay Mareykanka isbeddel jihada wadahadallada Nukliyeerka

816
Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa uga digay Mareykanka inuu beddelo jihada wadahadallada Nukliyeerka. Sawirka: Reuters

Hoggamiyaha Kuuriyadda waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in ay ka go’an tahay baabi’inta hubka Nukliyeerka, laakiin wuxuu ka digay in uu isbedeleyn doono haddii Mareykanka uu sii wado cunaqabateyntiisa.

Waxa uu jeediyay hadalkaan inta lagu guda jiro khubadiisa sanadka cusub ee aadka loo la socday.

Khudbada sannadkii hore wuxuu dalka u dhigay waddo aan horay loo arag oo diblomaasiyadeed caalami ah oo dhexmartay Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Mr Kim ayaa la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si uu ugala hadlo baabi’inta Nukliyeerka bishii June ee 2018-ka, hase yeeshee natiijooyin yar ayaa ilaa hadda la gaaray.

Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa ka hadlay shirkii isaga iyo madaxweyne Trump ku dhexmaray magaalada Singapore bishii June kaasi oo uu ku tilmaamay mid taarikhi ah oo ” wadahadal miradhal ah” sidoo kalena ay isku dhaafsadeen ” Fikrado wax ku ool a”.

Waxa uu sheegay sidoo kale inuu diyaar u yahay in uu la kulmo Madaxweynaha Mareykanka Trump markale waqti kasta oo mustaqbalka ah, isagoo sidoo kale samayn dadaal kasta oo suurgal ah oo ay ka dhashaan natiijo ay soo dhawayn doonaan bulshadda calaamka.

Isu soo dhawaanshahaan ayaa ku soo aaday kaddib markii sanadkii 2017 Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalo awood u leh in ay garaan dhulka Mareykanka iyadoo keentay hadallo kulul oo dhexmaray Pyongyang iyo Washington iyadoo labda dhinacba ay isugu goodiyeen hubka Nukliyeerka

Sidoo kale Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa sanadkii hore labo jeer la kulmay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo ay ka wadahadleen sidii gacanka Kuuriyada looga dhigi lahaa meel ka caagan hubka Nukliyeerka.