Kim Jong-un oo ogolaaday inuu markale la kulmo madaxweyne Trump

774
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ogolaaday inuu markale kulan la yeesho madaxweyne Trump kaddib wadahadalo ay ku dhex maray caasimadda Kuuriyada Waqooyi Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka iyo Kim. Sawirka: via Twitter

Kim Jong-un ayaa ogolaaday in kulan labaad uu la yeesho madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ” sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogalka”, sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed, kaddib markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka wadahadalo mira dhal ah oo ku saabsan baa’inta hubka Nukliyeerka uu hoogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi kula yeeshay magaalada Pyongyang.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo aya wahadalo muddo laba saacadood ah qaatay kula yeeshay caasimadda Kuuriyada Waqooyi hoggamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un, ka hor inta uusan u dhoofin magaalada Soul ee caasimadda kuuriyada Koonfureed.

Pompeo ayaa sheegay ” in hoggaamiye Kim ay isku afgarteen in kulankii labaad oo u dhexeeya Mareykanka- Kuuriyada Waqooyi la qabto waqtiga ugu dhaqsaha badan,” sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, inkasta oo aan wali la shaacinin waqtiga iyo goobta uu ka dhacayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in xoghayaha arrimaha dibadda Mareynkanka Pompeo iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim ay kala dooranayaan goobta iyo taariikda shirka.

Labada dhinac waxa ay sidoo kale ka wadahadleen talaabooyinka ay qaadanayso Kuuriyada Waqooyi ee lagu baabi’o hubka Nukliyeerka arrinta ka qeybgalka ee dowladda Mareykanka.

Waa booqashadii afaraad ee Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Pompeo uu ku tago magaalada Pyongyang, kaasi oo bogaadiyay kulamadii uu la yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in ay guul ahayeen.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulankiii ugu horreyay ee abid dhexmara madaxweyne Mareykan ah iyo hogaamiye Kuuriyada Waqooyi ah ayaa dalka Singapore ku yeeshay bishii June ee sanadkaan.