Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulan horu dhaca ah la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jumping ka hor shirka la filayo inuu dhexmaro Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.
Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa lagu qabtay magaalada Dalian oo ku taalla Waqooyiga Shiinaha maalintii khamiista, waxaana la ogaaday markii uu dalkiisa ku laabtay Kim Jong Un Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.
Si dhan ah looma oga waxyaabaha ay kulankooda uga wadahadleen labada Hoggaamiye.
Kulankaan ayaa yimid kaddib labo safar oo markii ugu horreysay uu dibadda ku tagay tan iyo markii uu noqday Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2011-kii.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii Maarso, booqday Caasimadda Shiinaha ee Beijing, sidoo kale bishii la soo dhaafay ayuu xadka maliteriga ka caagan ee labada Kuuriya isaga halkaasi shir taariikh ah kula yeeshay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.