Kim Jong Un oo la kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

938
Kim Jong-un iyo Xi Jinping. Sawirka: Xinhua News via Twitter

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un uu soo gaaray magaalada Beijing halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waa safarkiisii ugu horreeyay oo uu waddan dibadda ah ku tago tan iyo markii uu awooda la wareegay sanadkii 2011-kii.

Wakaaladda wararka ee afka dowladda Shiinaha ku hadasha ee Xinhua ayaa sheegtay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu booqasho aan la shaacin oo laba maalmood ah ku yimid dalka Shiinaha .

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ay wehliso xaaskiisa Ri Sol Ju, ayaa kulan casho ah ku yeeshay guriga dadka ee magaalada Beijing.

Waxaa la rumaysan yahay in ay kulankooda ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin kulanka la qorsheeyay in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shiinaha waa saaxiibka ugu dhaw oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, waxaana ka dhaxeeya xiirir taariikhiya oo soo jireen ah, iyagoo sidoo kalena wadaaga ganacsi iyo dhaqmo dhanka bulshada ah.