Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka degay caasimadda dalka Vietnam ka hor kulanka
Vietnam Magaalada Hanoi ee dalka Vietnam ayaa marti gelinaysa kulanka labaad ee u dhaxeeya Kuuriyadda Waqooyi iyo Mareykanka bishaan February 27-28-keeda.
Nukliyeerka-gacanka Kuuriyada iyo joojinta cunaqabataynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Xukuumadda Pyongyang ayaa la filayaa in ay noqoto waxyaabaha ugu muhiimsan qorshaha wadahadalka ka ee u dhaxeeya hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Labada hoggaamiye ayaa shirwaynihii ugu horreeyay ku qabtay dalka Singapore sannadkii hore, kulankii ugu horeysay ee u dhaxeeya madaxweyne Mareykanka iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.
Shirkii June 2018 laga soo saaray qoraal aan caddayn kaas oo Kim iyo Trump ay ku qeexeen afar ballan-qaad oo aan waqti go’an loo qaban sida: sameynta “xiriir cusub” nabadda iyo barwaaqada; dhisida ” nabadgelyo xasiloon ee Jasiiradda Kuuriyada”; ka shaqeynta “baabi’inta nukliyeerka”; iyo dib u soo celinta maydadka askartii la dilay intii lagu jiray dagaalkii Kuuriyada intii u dhaxeysay 1950-1953.