Kim Jong-un hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday goob fagaare ah kaddib muddo 20 maalmood ah, warbaahinta dowladda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sidaas shaacisay.
Wakaalada wararka Kuuriyadda Waqooyi ee KCNA ayaa ku waramaysa in hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi uu xarigga ka jaray furitaanka warshad bacrimin ah.
Waxay intaas ku dartay in dadka warshadda ku jira ay ” aad u farxeen” markii uu ka soo muuqday goobta Kim Jong-un jimcihii.
Muuqaalka la soo sheegay – waa kii ugu horreeyay tan iyo dhacdo ka warbaahinta dowladda 12 Abriil hadal haysay- wuxuu ku soo aadayaa iyadoo la isla dhexmarayo in caalamka laga sheegayo caafimaadkiisa aan wanaagsanayn .
Warbixinadii ugu dambeeyay ee warbaahinta Kuuriyada Waqooyi si madax banaan looma xaqiijin karo.
Warbaahinta dowladda ayaa markii dambe sii deysay sawirro ay ku sheegtay inuu muujinayo Mr Kim oo xarig ka jaraya bannaanka goob warshad.
Mar wax laga weydiiyay maqnaanshaha Mr Kim, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxafiyiinta u sheegay inuusan dooneynin inuu faallo ka bixiyo hadda.
Sida ay soo warinayso Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi (KCNA), Mr Kim waxaa la socday dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, oo ay ku jirto walaashiis Kim Yo Jong.