Kiisaska cudurka Corona Fayras ee adduunka ayaa kor u dhaafay 25 milyan, sida laga soo xigtay tirakoobka jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka, iyada oo dhimashada ay gaartay 842,702 ilaa subaxnimadii Axadda.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa ku dhawaaqday Axadda ugu yaraan 78,761 kiisas cusub ah muddo 24 saac gudahooda ah, taasoo kordhisay diiwaan gelinta cusub oo maalinla ah.
In ka badan 24.9 milyan oo qof oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, halka 16.4 milyan ay ka bogsadeen, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 842,400 oo qof ayaa u dhimatay.
Wasaaradda Caafimaadka ee Brazil ayaa ka sheegtay in ugu yaraan 758 dhimasho dheeraad ah oo cudurka coronavirus 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo 41,350 xaaladood oo cusub ah diiwaangelisay, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada 120,262, iyo kiisaska la xaqiijiyay 3,846,153.
Gobol kasta oo dalka Talyaaniga ah ayaa laga soo sheegay kiisas cusub oo coronavirus ah kadib markii 99,000 baaritaano la sameeyay ay ka soo baxeen 1,444 kiis oo kale oo cusub.