Kiisaska la xaqiijiyay ee Corona Fayras ee adduunka oo gaaray 5.5 milyan

619

Xaaladaha la xaqiijiyay ee Corona Fayras ee adduunka ayaa dhaafay 5.5 milyan oo kiis sida laga soo xigtay xogta Jamaacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka. Calaamka oo dhan ugu yaraan 5,518,905 oo qof ayuu ku dhacay xanuunka Corona Fayras.

Tirada dhimashada calaamka ee cudurka Corona Fayras ayaa hadda maraysa 346,700. Tirada dhimashada ee dhabta ah iyo kiisaska ayaa loo badinayaa in ay si weyn u sarreeyaan sababtuna tahay qeexitaanka kala duwan iyo heerarka baaritaanada, daahitaannada iyo warbixinada la xiriira qaabka dadka looga shakiyay loo qaaday macluumaadkooda.

Hey’adda CaafimaadkaAdduunka ayaa ka digtay suurta galnimada ah uu mar kale soo laba kacleeyo cudurka CoronaFayras gaar ahaan dalalka horey uu hoos ugu dhacay.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u joojisay dawada duumada lagu daaweeyo taasi oo hadda loo qaato Corona Fayras si looga hortago.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in daawada duumada uu qaatay si uu ugu hortago cudurka Corona Fayras arrintaasi oo dood badan.