Khudbadihii ugu mihiimsanaa ee laga jeediyay shirkii Istanbul (Akhriso)

2027

Shirka madaxda dowladaha Caalamka Islaamka ee ku Midoobay ururka Iskaashiga dalalka Islaamka oo loo soo gaabiyo (OIC) ayaa shir Ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirka ayaa waxaa si deg deg ah hogaamiyaasha dalalka Islaamka isugu wacay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, ka dib go’aankii madaxwaynaha Maraykanka Donald trump  6-dii bishan December magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Haddaba, waxaan idin soo gudbinaynaa  khudbadihii ugu muhiimsanaa madaxda dowladaha Islaamka ay ka jeediyeen shirka Istanbul.

Yuusuf al-Cuthaymiin, Xoghayaha Guud ee OIC

Yuusuf al-Cuthaymiin, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (Biddix) Raccep Tayyip Erdogan, madaxwaynaha Turkiga (Middig) ( lahaanshaha Sawirka Getty Image)

Xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga Islaamka Yuusuf al-Cuthaymiin oo shirka bilowgiis ka hadlay waxaa uu go’aanka Trump Ku tilmaamay “Mid Halis ah”.

Waxaa uu sheegay in aqoonsiga magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel ay mid halis Ku ah Ammanka Gobalka iyo Xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin inay helaan dowlad ay ayagu leeyihiin.

Maxamuud Cabaas

Madaxwaynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abuu Maasin oo kudbad ka jeedinaya shirka Istanbul ee dalalka Islaamka OIC December 13, 2017. REUTERS/Kayhan Ozer/Pool

Madaxwaynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abuu Maasin, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in go’aankii trump uu ahaa mid dhawacay mustaqbalka Falastiiniinta.

Waxaa uu sheegay in Maraykanka uu cadaystay inuusan dhexdhexaad ahayn waanwaanta nabadeed ee Israel iyo Falastiin islamarkaana wada hadal uusan dhici karin illaa Maraykanka uu kaga laabto go’aankesda Ku aadan magaalada Qudus.

Raccep Tayyip Erdogan

Madaxwaynaha dalka Turkiga, Raccep Tayyip Erdogan, oo si kuluul u weeraray Maraykanka iyo Israel (Sawirka lahaanshihiisu waa Anadolu Agency)

Inkastoo Qaar ka mid ah hogaamiyaasha shirka ka qayb galay ay ka baqeen inay halis galiyaan xiriirka dalalkooda ay la leeyihiin dalka Maraykanka ayna ka cabsadeen inay wax ka sheegaan Maraykanka, ayaa markale madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, waxaa uu noqday geesiga Bulshada Caalamka Islaamka.

Waxaa uu eedayn ugu qabeeyay carrona uu kala dul-dhacay Israel iyo Maraykanka.

Erdogan, ayaa sheegay in Israel maalin walba ay dhibaato Ku hayso Shacabka reer Falastiin.

“Israel waa dowlad argagaxiso ah, waligeedna waxay ahayd mid argagaxiso. Maalin walba way dhibaateeyaan dadkeena reer Falastiin, gumaysi ayayna Ku hayaan falastiiniinta. Marka aad tagto magaalada Qudus ama Daanta Galbeedka waxaad dareemi kartaa dhibaatada Israel ay dadka Ku hayso halka ay gaarsiisan tahay. Tani ma aha wax aan isha ka daawan karno” Erdogan ayaa sidaasi ka yiri shirkii maanta ka dhacay magaalada Istanbul.

” magaalada Qudus, waxaa ay tahay.waligeeduna ahaan doontaa Caasimadda Falastiin. Magaalada Qudus go’aan kama gaari karto dowlad qura, waliba haddana dowlad gacmaheedu iyo lugaheeduba ay dhiig Ku dhex jiraan ama dhiig Ku dul soconaysa,” ayuu madaxwaynaha dalka Turkiga intaasi ku daray, isaga oo dowladdaasi  ka waday  dowladda Maraykanka.

Waxaa uu yiri Trump waxaa uu Israel Ku abaalmarinayaa ficiladeeda argagaxisinimada ah.

“Argagaxisadu (Israel) waxaa ciidamadeedu ay xireen cunug 10 jir ah, waxaa ay Ku hareereeyeen 20 askari oo hubaysan” isagoo ula jeeda will 10 jir Falastiini ah oo dhowaan Israel ciidankeedu ay Ku xireen magaalada Hebron, ama Al-Khaliil.

Waxaa uu u mahadciliyay dowlado gaaraya 196 dowladood oo QM qayb ka ah oo diiday inay taageeraan go’aanka Trump.

Waligeena kama cabsan doono inaan taageerno Falastiin mana rajo dhigi doono. Arinta Israel iyo Falastiin Waxaa xalin kara dowlado Daacad ah iyo Iimaan” ayuu sidoo Kale sheegay madaxwayne Erdogan.

Boqorka Urdon/Jordan

Boqorka dalka Jordan, Boqor Cabdullahi bin al-Xuseen

Boqorka dalka Urdon ama Jordan, boqor Cabdullahi bin al-Xuseen, ayaa shirka ka sheegay in go’aanka Trump ee magaalada Qudus inuu yahay mid abuuraya argagaxiso cusub.

Go’aanka Trump, ma aha mid aan aqbali karno, waan diidnay, Waa mid halis Ku ah Ammanka gobalka iyo Xuquuqda Falastiiniinta. Waa mid abuuraya jawi faa’ido u ah argagaxisada” ayuu yiri  boqorka dalka Urdun/Jordan Cabdullahi bin al-Xuseen.

Xasan Rowxaani

Madaxwaynaha dalka Iiraan, Xasan Rowxaani oo hadal ka jeedinaya shirka Istanbul

Madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Rowxaani, ayaa hadal siddeed qodob ka koobnaa shirka ka jeediyay.

Waxaan Ku bilaabayaa magaca ilahay, iyo Rasuulkiisa CSW, kaasi oo masjidul Haraam laga soo dheelmiyay loona soo dheelmiyay masjidka barakaysan ee Qudus ”

Cadowkood Islaamka waa uu iska cad yahay ee waa Yahuuda, waxaan walaalahay Muslimiinta ah aan u sheegayaa in aan diyaar u ahay inaan idin kala shaqeeya inaan iska difaacno Yahuudda” ayuu yiri Hasan Rowxaani, madaxwaynaha dalka Iiraan.

Waxaa uu sheegay in inkastoo dunida Islaamka ay siyaasado ay kala qaybiyeen haddana taasi aysan meesha ka saaraynin in Islaamka uusan difaacan Karin masjidka barakaysan ee Qudus.

Waxaa uu Rowxaani, khudbaddiisa ku weeraray dowladda Maraykanka, oo uu sheegay in ay Golaha Ammanka ee QM ay la dhex fadhido inay codkeeda Veto-ga ay Ku difaacdo dambiyada dagaalka ee Israel, isaga oo intaasi Ku daray in dowladda Maraykanka aysan waligeeda Daacad ka noqon qaddiyadda Falastiin iyo Israel.

” waxaan Daacish ka xuraynay Suuriya iyo Ciraaq, marka Waxaa la joogaa waqtigii argagaxisada (Uu Israel, kala jeedo) aan ka difaacan lahayn masjidka barakaysan ee Qudus.

Madaxwaynaha Azerbaijan

Madaxwaynaha dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev (lahaanshaha Sawirka Anadolu agency)

Ilhaam Aleyev, madaxwaynaha dalka Azerbaijan, ayaa sidoo Kale shirka Istanbul, khudbad ka jeediyay.

Waxaa uu sheegay in go’aanka Trump ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo, isagoo tilmaamay in  aqoonsiga magaalada Qudus uu halis Ku yahay Ammanka gobalka iyo waanwaanta nabadeed ee Israel iyo Falastiin.

Madax badan oo uu ka mid yahay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sidoo Kale khudbad ka jeediyay shirka Istanbul, kuwaasi oo cambaareeyay go’aanka madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Waligaa ma is tiri dowlad ayaa hal maalin Ku dhalan karto?

Israel, waa dowlad madaxbanaan oo la aqoonsan yahay, haddana waa dowlad hal maalin oo Kali ah la sameeyay.

Siyaasi wayn oo reer Falastiin ah ayaa waxaa uu is waydiiyay, sidee ayay xalaal Ku noqon kartaa dowlad hal maalin la sameeyay? haddana ah dad dowlado kala duwan laga keenay lana dajiyay dulka reer Falastiin oo Bulshada Yahuudda ay Ku ahaayeen dad laga tiro badan yahay.