Khilaafkii Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka oo heshiiska laga gaaray

686

Muqdisho – Waxaa heshiiska laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Ahlu Sunna iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka Baarlamaanka Galmudug.

War qoraal oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalaynta ayaa lagu sheegay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii iyo tabashadii u dhexeysay ASWJ iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa lagu heshiiyay in ASWJ Golaha Wakiilada Galmudug laga siiyo 20 ( labaatan) Xildhibaan. Qoondada Xildhibaannaddaasi waxa ay ka imaanayaan 89ka xubnood ee Golaha Wakiilada Galmudug waxayna ku egtahay dhammaadka muddo xileedka Golaha Wakiilada Galmudug ee hadda dhismaya”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxday Wasaaradda.

Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay laga gaaray khilaafkii muddada soo jiitamayay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sido kale maamul ASWJ uga mahadcelisay dadaalkii iyo tanaasulka ay muujiyeen si loo dhiso Galmudug mid ah.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ASWJ.