Khilaaf ka dhashay Miisaaniyadda Qaran ee 2018-ka oo madaxwaynaha la gaarsiiyay

908

Ayada oo la tixraacayo qodobka 87-aad ee faqradiisa (C) oo dhigeysa in madaxwaynaha J.F  uu yahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka ayey guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa ay kulan deg-deg ah la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyaga oo kala hadlay anisixinta miisaaniyadda 2018-ka.

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay dawco ka yihiin golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyada oo ansixinta kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud, oo la waraysi siiyay warbaahinta Goobjoog News ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo mariyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba golaha shacabka.

Senator-ka ayaa  intaasi raaciyay in dhibaatada jirta ay abuureen golaha shacabka oo hor-istaag ku sameeyay in miisaaniyadda la geeyo aqalka sare  iyaga doonaya in awoodihii sharci-dejinta ee aqalka sare la wareegaan.

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa uu haystaa saxiixa miisaaniyadda illaa December 31-keeda, si looga fogaado in ay dhacdo  (Government Shut down)  oo micnaheedu yahay  Hoos u dhac dowladeed ama burbur dowladeed, taasi miisaaniyadda sanadka dambe gasho muran ay gasho.

Waxaa shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya  iyo ciidanka dowladda ay u keeni kartaa in  aaney mishaar heli-doonin sanadka soo aadan oo ay maalmo faro Ku tiris ah oo Kali ah ay ka harsan yihiin.

Hay’adaha lacagta ayaa si gaar ah isha ugu hayo miisaaniyadda iyo muranka u dhaxeeya labada aqal, iyada oo la sheegayo in uu hadda soo wanaagsanaanayo xiriirka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo  sidoo Kale Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.