Khilaaf cusub oo ku saabsan kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

584

Khilaaf hor leh oo la xiriira dhegeysiga dacwadda badda ee hor taal Maxkamada Caddaalada ee Caalamiga ayaa ka dhex aloonsan Soomaaliya iyo Kenya.

Dokumentiyo ay aragtay BBC oo ay labada dal u direen maxkamada ayaa muujinaya in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo dhegeysiga dacwadda muddo aan cayimneyn. Dhegeysiga dacwada ayaa loo ballansanaa in dib loo furo horraanta bisha soo socota ee Juun.

Laakiin dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada uu tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka Fayraska Karona.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhiga iyado ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya.

Soomaaliya waxay codsatay in dhageysiga dacwadda lagu qaado qaab muuqaal ah iyada oo la adeegsanayo teknoolijiyada casriga ah si looga maarmo in dib loo dhigo kiiska.

Waxay Soomaaliya sidoo kale ku sheegtay warqadda ay u qortay maxkamada in dacwado waa weyn oo heer caalami ah horey loogu adeegsaday in lagu qaado qalabka muuqaalka ah.

Toddobaadyada soo socda ayaa lagu wadaa in maxakmadda ay go’aanka ka gaarto codsiga Kenya.

Xigasho: BBC Somali