Kheyre “Waa la soo dhaafay xilligii ajanabi na dhexdhexaadin jiray”

792

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aysan wax la qaadan karo in la yiraahdo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho shir laguma qaban karo oo amni ma ahan.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay ka qeybgalay munaasabad ku saabsan barnaamijka is-xilqaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in  marnaba aan  soo dhawayn karin in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan. ” waxaanan soo dhawaynayn magaala madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garanayno cida loogu danaynayo, waxan rabaa inaan xasuusiyo cid balwa oo ay ka suurtowdo in ay sidaas tiraahdo, in ay tahay astaantii Qaranka, in ay tahay maagalo dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay gacmahooda Kuwa dhisteen, in ay tahay magaala madaxdii qaranimada Ummadda Soomaaliyeed, in ay tahay xaruntii dowladda Dhexe iyo Baarlamaanka”. Ayuu yiri R/Wasaare kheyre oo ka hadlayay munaasabadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale tilmaamay in laga gudbay xilligii arimaha Soomaalida dhexdeeda loogu wici jiray shisheeye inay xaliyaan, islamarkaana aysan ogolaan karin madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Sidoo kale waxaana soo dhawaynayn in la yiraah daraf saddexaad oo ajnabi ah ha na soo dhexgalo, waa dhaqankii aan horey u soo baranay, waala soo dhaafay xilligaas, xaalada dowladnimada ay ku sugan tahay maanta waxa ay mareysaa in shacabka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan inay dareemaan dib u soo laabashada sharaftooda”. Ayuu sii raaciyay Ra’iisul Wasaare kheyre.

Hadalka Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa imaanaya iyadoo ismaan dhaaf siyaasadeed oo aan wali xal loo helin uu ka dhex tagaan yahay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka dalka.