Kheyre oo u safray Faransiiska

731

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta u dhoofay magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaasi oo ka dhacayo shirka madasha nabadda Paris oo dhacaya bishaan November 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sanadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Shirka sanadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa Inuu kulamo la qaato qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo madaxda Hey’adaha lacagta adduunka IMF iyo hoggaanka Midowga Yurub. Kulamadaan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya.