Kheyre oo la kulmay Madaxweyne Geelle

75
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kheyre ayaa shalay safarkii ugu horreeyay ee uu dalka dibadiisa ugu baxay tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen bishii July ee sanadkaan.

Kheyre oo bishii hore ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota ee 2020/ 2021 ayaan la ogeyn waxa safarkiisuu ku saabsan yahay.

Wararka ay heshay UM ayaa sheegaya in uu magaalada Jabuuti kula kulmi doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uu bilaabay abuubulka ololaha musharaxnimadiisa.

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu safaro ku tago dhawr dal oo kuwa dariska ah sida Kenya.

SHARE