Kheyre oo kormeer ku tagay xaruntii Dhexe ee Xukuumadda oo dib loo dhisayo

76

Muqdisho —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha gurigii Xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay shaqada ay ka wadaan dhismaha, waxa uuna ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, ayaa sidoo kale kormeeray ku tagay garoonka ciyaaraha Muqdisho oo shaqada dib u dhiskiisa ay gabogabo ay marayso.

SHARE