Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay

587

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro uu ku tagay dalalka Qatar iyo Swizerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay dalka Qatar halkaasi oo uga qayb galay Madasha Dooxa, ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo qaarka mid ah madaxda ka qeybgalaysay madasha. Waxa uu sidoo kale khudab ku saabsanayd horumarka Soomaaliya ka jira iyo kaalinta ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka uu ka jeediyay Madasha Dooxa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb galay shirka qaxootig adduunka oo markii ugu horresay sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda qaxootiga adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku suganaa shirka Geneva waxa uu kulan doceedyo la yeeshay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo madax kale oo ka socday Hey’addo caalami ah.