Ra’isal Wasaaraha Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa faah-faahin ka bixiyay sababaha dowladda mareykanka ay u hakisay kaalmadii ay siin jirtay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’isal wasaare Khayre, ayaa sheegay in dowladda Maraykanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in la hakiyo kaalmada ciidanka si loo saxo qaladaadka ka jira bixinta mushaaraadka iyo howlaha kale ee ciidanka dowladda Soomaaliya.
Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in dowladda Maraykanka ay sababo la xiriira musuq-maasuq ay u joojisay kaalmada ay ciidamada dowladda siin jirtay.
Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah wariyaashii goobjooga ka ahaa shirkiisa jaraa’iid.
Su’aalaha ayaa la xiriiray cida sii bixineyso kaalmada ay jartay dowladda mareykanka iyo sababaha xilligaan loo hakiyay.
Khayre, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda ay ogaatay ciidamo diiwaan gashan kuwaasi oo aan shaqayn iyo kuwo naafo ah oo shaqaynaya.
Ciidamadaasi ayaa mushaar helayay ayagoo aan shaqayn.
Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan daah-furtay Nadaam cusub oo electronic ah oo loo diiwaan galin doono ciidamada xooga dalka.