Dowladda Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya Lucas Tumbo, iyadoo oo sidoo kalena dib u celisay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
Sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee wargeyska Daily Nation.
KENYA RECALLS its ambassador to Somalia, orders Somali envoy back to his country; GoK says Somalia auctioned oil and gas blocks in its territory. pic.twitter.com/bc6e3g2xX5
— Nation Breaking News (@NationBreaking) February 16, 2019
Kenya ayaa ka carootay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay gayi badeedkeeda oo Soomaaliya ay shir ka dhacay London kusoo bandhigtay.
Kenya ayaa u aragta in qayb ka mid ah xuduud badeedeedaka la xaraashay.
Ma jiro wax war oo intaas dhaafsiisan oo ka soo baxay Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin warkaan ka soo baxay Kenya.
Dhawaan ayay dowladda Soomaaliya waxay shir ka dhacay magaalada London kusoo bandhigtay xogta baarista shidaalka Soomaaliya.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka dhaxeeya muran ku saabsan xuduudeed baddeedka ay waddaan labada dal taasi oo ay dacwadeeda ka socoto maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague ee dalka Netherlands.