Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay kasoo amaahaneyso bangiga adduunka si ay ugu kabto misaaniyadda dalkeeda.
Lacagta amaahda ah ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkan.
Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.
Shacabka Kenyaanka ayaa si weyn uga hadlay sida warbaahinta Kenya ay u hadal heyso arrintan.
MESS…terrible and total MESS….@WehliyeMohamed pic.twitter.com/2D28LVvMbl
— Ahmednasir Abdullahi SC (@ahmednasirlaw) May 28, 2019
Warbixin Wargeyska Financial Times ayaa horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.
Waxaana kamid ahaa 4.8 bilyan ee doolar ee lagu dhisay tareenka casriga ah.
Xigasho: Daily Nation