Kenya iyo Soomaaliya oo xal ka gaari waayay muranka soohdinta badda

11

Muqdisho (UM) – Kenya ayaa khamiistii ku guuldareysatay in xal ku aaddan muranka soohdinta dhanka badda la gaarto Soomaaliya.

Kulan uu garwadeen ka ahaa Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka dhacay magaalada Nairobi loogana gol lahaa sidii loo dajin lahaa xiisada diblomaasiyeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa ku soo dhammaaday iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin sida lagu xallinayo muranka dhanka soohid badeedka labada dal.

Dibloomaasi Soomaali ah ayaa wargeyska Bussines daily ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in Soomaaliya ay sugeyso go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada bisha June sidaas darteedna aysan aqbali karin dalabka Kenya ee lagu doonayo in si hoose loo xalliyo qadiyadda muranka xaduud badeedka u dhaxeeya labadda dal.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kulanka looga wadahadlay sidii meesha loogu soo saari lahaa mugdigii ku yimid xiriirkii labada dal, sidoo kalena loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo dhawanahaanba aan wanaagsaneyn.

Dhanka kale Kenya ayaa wali ka aamusan natiijada kulanka, waxaana muuqata in uusan jirin war murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay kulanka ay albaabada u xirnaayeen oo dhexmaray madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo uu wehliyo Raiisul wasaaraha Itoobiya.

Kenya ayaa 16 bisha Febraayo dib ugu yeeratay safiirkeeda Soomaaliya, iyada oo sidoo kalena dib u celisay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan. Tallaabada ay Kenya dalkeeda uga saartay safiirka ayay ku micneysay in Soomaaliya ay shir ka dhacay London ku xaraashtay xirmooyin badeed ay Kenya leedahay, eedaas oo Soomaaliya ay iska diidday.

Soomaaliya ayaa sannadkii 2014 waxay dacwad la xiriirta muranka xuduudda dhanka badda geysay maxkamadda caalimaga ah ee caddaaladda ee magaalada Hague ee dalka Netherlands. Dacwadaas ayaan wali go’aan laga gaarin, waxaana lagu wadaa in maxkamaddu ay go’aanka kama dambeysta ah ku dhawaaqdo bisha June ee sannadkan.

SHARE