Kenya: 36 qof oo ku dhintay shil gaari

870

Ugu yaraan 36; Qof ayaa ku geeriyootay kaddib markii uu shil gaari ka dhacay degaanka Miigaa halkaas oo ay isku dhaceen Labo Bas.

Sidoo kale 18 Qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalka,waxaana Gaariga shilka galay uu midkood ku socday Eldoret oo ku taalla Galbeedka Kenya.

Lix Qof oo kale ayaa ku dhintay Isbitaalka waxaana ka mid ah Labo Carruur ah oo bilo jira,mid labo sano jir, Mid toban jir ah iyo Qof 36 jir ah.

Gaariga Baska ah ee ay dadka badan ku dhinteen ayaa ku dhacay Gaari Xamuul ah,waxaana uu sababay shilkaas in labadaba ay waddada ka baxaan khasaarahana sidaas ku kordhay.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaallada la geeyay dhaawacyada ka  dhashay shilkaas aya sheegay in labadii Darawal ee waday labada gaari ee shilka galay ay geeriyoodeen.

SHARE