Keating oo Hargaysa kula kulmay Madaxwaynaha Somaliland (Sawiro)

937
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaablisan arrimaha Soomaaliya Michael Keating (Midig) Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi (Bidix) oo maanta oo Axad ah Ku kulmay magaalada Hargaysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire, waxaana intii uu socday looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay QM.

Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi, ayaa Danjire Keating uga warramay sida ay diyaarka ugu yihiin inay Beesha Caalamka kala shaqayaan wax kastoo danta gobolka iyo midda guud ee caalamku ku jirto, isagoo carrabka ku dhuftay Somaliland ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee sannadka soo socda qabsoomaya ay u dhacaan waqtigii loo asteeyay.

Sidoo kale, Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhinaciisa sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay Somaliland si dhaw ula shaqeyso sid loo horumariyo wada-shaqeynta labada dhinac.

“Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM ee Soomaaliya waxay kulankooda uga hadleen arrimo badan oo la xiriira bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, nabadgelyada, doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen Somaliland iyo Qaramada Midoobay,” Ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Ugu dambeyn, Kulankan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM ee Somalia ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah, waxaana dhinacyadu ay isku af-garteen dhammaan qodobbadii looga hadlay kulanka.