Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ambassador, Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiska awood qaybsiga ah ee maanta magaalada Muqdisho ay Ku kala saxiixdeen maamulada Ahlusuna Waljamaaca iyo Galmudug.
Danjiraha, oo warsaxaafadeed kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in heshiiskan uu yahay mid tusale wanaagsan u ah goobaha kale ee isqabqabsiyadu ay ka taagan yihiin.
Waxaa uu sheegay in uu yahay war wanaagsan oo u soo yeeray dadka Soomaaliyeed.
“Waa dareen jawi heer sare leh inaan maanta goobjoog ka ahaado heshiiska awood-qaybsiga ah ee ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca” ayuu danjire Keating Ku yiri war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
“Waa war cusub oo wanaagsan oo u soo yeeray Bulshada Soomaaliyeed, waa tusaalaha qaraarada ka hortaga isku dhacyada ama dib u heshiisiinta goobaha kale, HAMBALYO” ayuu sidoo Kale sheegay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Great atmosphere at ceremony 2 witness signature of power sharing agreement betw State Pres Xaaf Galmudug & ASWJ leader Sheikh Shakir. Good news 4 Somalia, precedent 4 conflict resolution elsewhere. Hambalyo! pic.twitter.com/Piy5QWbD4A
— Michael Keating (@SRSGKeating) December 6, 2017