Kate Foster: UK ma taageeri doonto go’aanka muddo kordhinta

768

Muqdisho – Safiirada dalka UK u fadhisa Soomaaliya Kate Foster oo maanta kula xaafiiskiisa kula qaadatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegtay in dowladda UK aysan marnab taageeri doonin go’aanka muddo kordhinta loo sameeyay Hey’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleeed iyo Safiirka UK Kate Foster ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan oo ay ugu horreysayso xiisada ka dhalatay muddo kordhinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qeyb ka mid ah uu u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo ay barta Twitter-keeda ay soo dhigtay Kate Foster, kulanka kaddib ayay hoosta ka xariiqday in dowladda UK aysan taageeri doonin muddo kordhinta, sidoo kalena ay carabka ku adkeysay in ay muhiim tahay in si degdeg ah loogu laabto qaab doorasho oo ku saleysan is afgarad.

“Kulan wax ku ool ah la yeeshay Khadar Gulaid oo laga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaa ku celinay markale in UK aysan taageeri doonin muddo kordhinta. Waxaan carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loogu laabto qaab doorasho oo ku saleysan is afgarad”. Ayay tiri.