Kanada oo xirtay madaxa fulinta shirkadda telefoonada Huawei

48
Meng Wanzhou waxa lagu xiray magaalada Vancouver ee dala Kanada. Sawira: EPA

Gabadha uu dhalay aasaasaha shirkadda telefoonada eeHuawei ee dalka Shiinaha ayaa lagu xiray dalka Kanada, waxaa ayna wajahaysaa in loo gacan galiyo Mareykanka.

Meng Wanzhou, oo ah madaxa maaliyadda iyo guddoomiye ku xigeenka shirkadda Huawei ah, ayaa lagu xiray magaalada Vancouver 1dii bishaan December.

Faahfaahinta badan oo xarigga ku saasan lama siidayn balse Mareykanka ayaa baaritaan ku haya shirkadda Huawei iyadoo lagu tuhmayo in ay jabisay cunaqabateynta saaran dalka Iran. Safaarada Shiinaha ee Kanada ayaa ka soo horjeesatay xirista waxayna dalbadeen sii deynteeda. Shirkadda Huawei ayaa sheegtay in ay hayso macluumaad yar oo ku saabsan eedeymaha waxa ayna intaasi ku dartay in aysan ” ogeyn wax khalad ah oo samasay Ms Meng”.

Xariga Ms Meng ayaa imaanaya waqti xasaasu ah ee xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha. Labada dal ayaa ku jira dagaal ganacsi kaasi oo keenay labada dhinac mid midka kale uu ku soo rogo balaayiin dollaar oo canshuur ah becooyinkooda.

Xarriga Ms Meng ma caawin doono 90-ka maalmood ee xabad joojinta dagaalka ganacsiga ee dhawaan ay wadda gareen madaxweyne Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping markii ay ku kulmeen shirkii G20 ee dalka Argentina.

SHARE