Kaliya isbeddel sharci oo dhab ah ayaa ka hor istaagi kara Roobow inuu tartamo – UM

2203
Mukhtar Robow announced this week his candidacy for presidency of South West state in Baidoa: via Twitter

Muqdisho (UM) – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa toddobaadkaan   soo saartay war-saxaafadeed ay ku diiday in Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) uu ka mid noqdo musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Diidmada Wasaaradda amniga gudaha ayaa la xiriiriyay Mukhtaar Roobow xiriirkii uu horay ula lahaa kooxaha argagixisada ah. War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in heshiiskii lala galay beesha caalamka ee ahaa in Mukhtaar Roobow laga qaado xanibaadda uu burburayo haddii  aysan dowladdu ka hor istaagin Roobow inuu tartamo.

Mukhtaar Roobow ayaa ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab intii uusan kasoo goosan isaga oo wixii mudadaas ka dambeeyay si dhaw ula shaqeynayay hey’addaha amniga ee Dowladda Soomaaliya. Dad badan oo dowladda ku jira ayaa qaba in uu wali  uu janjeero kooxdiisii hore sidaa darteedna u arka tartankiisa iyo guul kasta oo uu gaaraba mid argagax leh iyo cawaaqib xunba leh. Sidaas oo ay tahay, haddana, Mukhtaar ayaa ka mid ah ragga ugu cadcad tartanka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, lagana yaabee hanjabaadii  Al-Shabaab ay isaga u jeediyeen isla toddobaadkaan dhexdiisa inay caawiso ololihiisa musharaxnimo.

Way adagtahay in la fahmo waxa uu Mukhtaar Roobow aaminsanyahay isaga oo xitaa ka soo goostay Al-Shabaab, maxaa yeelay waa nin tababaran oo inta badan is aruuriya. In Al-Shabaab ay isaga isku dayeen inay dilaan oo ay dirirsanaayeen aad ayay u caawisay oo waxay siisay fursad, laakiin adduunka kale kama dhacdo in qof heerkaas gaaray, xiriir horena la lahaa kooxo sida Al-Shabaab uu sidaa dhaw isla markii dowlad ula shaqeeyo una hiigsado heerarka ugu sareysa isla waqti kooban gudahiis.

Waqtigaan la joogo Mukhtaar Roobow ma rabbo inuu la shaqeeyo hey’addaha amniga dalka oo waxa uu doonayaa awood siyaasadeed oo uu ka doonayo mid ma kid deegaanada ugu dadka badan Soomaaliya. Hase yeeshee, damaca nuucaasi ah waxa uu kaliya ka jiri karaa Soomaaliya oo qura, waxaase Mukhtaar Roobow uu heystaa dood adag oo dowladda ka dhigeysa mid  labo wajiile ah haddii ay u diiddo in uu tartarnka musharaxnimo u soo istaago.

Dowladda Federaalka Soomaaliya in badan soo dhaweyneysay rag ka soo goostyay Al-Shabaab waxayna waliba jagooyin sarsare laga siiyey dowladda iyadoon la hubin waxay wali aaminsanyihiin ama maagan yihiin. Kuwa soo goostay ayaa waxaa lagu abaalmariyaa xilal sarsare markay  iclaamiyaan in ay ka baxeen fikirkii ay ku jireen oo cambaareeyaan falalkii ay ku jireen. Taas oo mararka qaar keenta in ay booska looga bixiyo dad kale oo ka daacadsanaa muddana ka shaqeynayay hey’addaha amniga dalka. Ma noqon doonto markii ugu horreysay ee dad Roobow la mid ah ay xilal sare ka qabtaan Soomaaliya, mana noqon doonto markii ugu dambeysay.

Intii ay dowladdu waqti ku lumin laheyd damaca Mukhtaar Roobow, waa inay waqti ku bixisaa sameynta sharciyo iyo xeerar qeexaya cidda tartami karta iyo cidda aan u tartami Karin xafiisyadda sare ee Soomaaliya. Faallo ay warbaahinta Ummada Media  horey uga qortay arrintan ayaa tilmaantay muhiimada ay leedahay in xubnaha ka soo goosta Al-Shabaab ee  bulshada lagu soo dhex celinayo marka hore la hubiyo cidda halis ku ah bulsho iyo kuwa aan aheyn, ka hor intaan xilal lagu aaminin balse taas dowladdu ma sameyn.

Taageerayaasha Roobow waa ku saxanyihiin in ay ku doodaan in haddii  xeerar ay jiraan ay qaban lahaayeen xagjiriin hore iyo xildhibaano lacag ku gatay kuraasta ay ku fadhiyaan maanta.   Madaxweynaha hadda talada haya ee Koonfur galbeed iyo saaxibadiisa maamul goboleedyada waxaa qaban lahaa isla sharcigaas maadaama ay si toos ah ula safteen dalal shisheeye oo ka soo horjeeda danaha Soomaaliya, sidoo kalena ay ku tagrifaleen awooddooda .

Iyada oo xaqiiqada sidaasi ahi  jirto, sidee Mukhtaar Roobow uga xishoonayaa in uu is sharaxo.  Dhab ahaantii waxa uu isku arkaa dadka ugu mudan oo ugu sharafta badan tartanka hadda socda.

Mukhtaar Roobow waxa uu isku muujinayaa musharaxa shacabka, aragtidaasina,si wacan ayay ugu socotaa ilaa iyo hadda,  sababtoo ah ma jiraan mucaarad kale oo u dhigma. Haddii uu sidaasi ku guuleystana waxa uu noqonaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed, dowladda dhexe ha ogolaato ama yeysan ogolaan, maxaa yeelay waxaa gadaal ka riixaya tolkiisa oo u arka nin mudan jagadda la isku hayo.

Waxa kaliya oo lagu hufi karaa siyaasada mustaqbalka ee Soomaaliya iyo nidaamyadda doorashadda ayaa ah, inay jiraan habraacyo cad oo tilmaamaya cidda xafiis qaban karta iyo cidda aan qaban karin. Ma jiro ama ilaa iyo hadda, ma muuqato xal dhaw oo wax ka qaban kara xagjiriinta iyo qabqabalayaashii shalay oo maanta iska dhigaya kuwa hormuud u ah danaha bulshada.