Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu in uu si rasmi ah u furmo. Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in goordhaw uu ka furmo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federalka ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka iyadoo muddo xilileedka Baarlamaanka hadda jira uu ka dhammanayo dhammaadka sanadkaan 2020.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu hadal ka jeediyo kalfadhiga 7-aad ee maanta. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filaya inuu ka hadalo arrimo dhawr ah ay ka mid yihiin Doorashooyinka Qaranka iyo go’aanka dowladda arrimaha doorashooyinka.