Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah loo xiray

357

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi loo xiray kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay Guddoonka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warqad wargelin xeritaanka kalfadhiga 5-aad ah u diray dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay in kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka xirmay 27 bisha Luulyo, iyadoo kalfadhiga 6-aad la furi doono 27 bisha September.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmay 27 bishii Maarso ee sanadkaan iyadoo intii uu furnaa ay dhawr kalfadhiga u baaqdeen kooram la’aan ama tirada Xildhibaannadda soo xaadiray oo u yaraa.

SHARE