Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo maanta furmaya

701

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasanadda furitaanka ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya) ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.