Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya

865
Xildhibaanka Barlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya

Muqdisho (UM) Waxaa maanta si rasmi ah la filayaa in u furmo kal-fadhiga 4-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo fasax ku jiray muddo ku dhaw laba bilood.

Waxaa ka socda xarunta Janaraal Kaahiye (School Boliisiya) ee magaalada Muqdisho qabanqaabada munaasabada furitaanka kal-fadhiga affaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kal-fadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo halkaasi ka jeedin doono khubad.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeenadooda, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, wasiirro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xildhibaannada labada aqal iyo diblomaasiyiin caalamiya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan munaasabada furiraanka kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka ee maanta.

Waxaa aad loo adkeeyay amniga waddooyinka muhiimka ah ee soo gala goobta munaasabadda furitaanka ay ka dhacayso ee iskuul boliisiya.