Geerida Madaxwaynihii hore ee dalka Yemen ayaa la xaqiijiyay ayadoo la sheegay in weerar dhabo gal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Sanca ee Caasimadda dalka Yemen maanta oo tallaado ah.
Ka dib xaqiiqnimada geerida Cali Cabdalla Saalax, madaxwaynaha haatan ee dalka Yemen Cabdu rabuu Mansuur Haadi oo Ku Sugan magaalada Riyadh ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya halkaasi oo xukuumaddiisu ay ka howl gasho ayaa baaq u jeediyay dad deer Yemen ee dagaalladu ay halakeeyeen.
Cabdu rabuu Mansuur Haadi ayaa ugu baaqay Yemaniyiintu, inay kacdoon Ku baddalaan dilka Madaxwaynihii hore ee Yemen, kaasi oo ka dhan ah kooxda xuuthiyiinta.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo kooxda xuuthiyiinta ee ka dambeeyay dilka Cali Cabdalla Saalax.
Dhanka Kale
Qaramada Midoobay ayaa war ay ka soo saartay xaaladda cakiran ee dalka Yemen ayaa waxaa ay Ku sheegtay in dagaallo ba’an ee u dhaxeeya kooxda xuuthiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah Madaxwaynihii hore ee geeriyooday ay sababeen dhimashada in ka badan 125 qof halka sidoo Kale ay dhaawacyo soo gaareen in ka badan 200 oo qof.
QM, oo soo xiganaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ama ICRC ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka fadlan galaaftay uu magaalada Sanca ka socday tan iyo bilowgii bishan December.
Waxaa dagaaladu ay ka dhaceen agagaarka dhismayaasha diblumaasiyadda, Xarunta hay’adaha QM iyo kuwa Caalamiga ah.
Goobahan oo idil ayaa Ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Sanca.
Waxaa dagaallada sii dheer inay jiraan duqaymo dhanka cirka ah ee ay wadaan xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo.
Waxaa QM ay Ku warantay in waddooyinka Caasimadda la soo dhoobay Taangiyada dagaalka.
Guryo dad Shacab ah ay leeyihiin ayaa sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray tan iyo intii dagalku uu Sanca ka socday afartii maalmood ee aynu soo dhaafnay.