Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee dalka Congo Joseph Kabila, ayaa lagu soo waramayaa inuu shaqada ka eryay 250 Xaakim oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha dalkaasi.
Joseph Kabila, ayaa 250-kan Garsoore waxaa la sheegay inuu shaqada uga eryay arrimo la xiriira dhinaca garsoorka dalkaasi iyo waliba inay Ku kaceen falal ay ka mid yihiin wax is-daba Marin iyo Musuqmaasuq.
Shaqa ka cayrinta dadkan ayaa waxaa warbaahinta afka dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Ku hadasha u sheegay wasiirka Caddaaladda dalkaasi oo la yirahdo Alexis Thambwe Mwamba.
Warbaahinta Gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa waxaa ay Ku warameen in dadka la eryay qaarkood ay sabab u tahay maadaama ayaan haysan shahaaddooyin heerkoodu uu hooseeyo.
Dalkan ayaa la sheegay in uu leeyahay in ka badan 4,000 oo qof oo ah dadka maamula adeegyada garsoorka dalka.
Madaxwaynaha dalkaasi Joseph Kabila ayaa sanadkii 2009-kii waxaa sidaan oo kale shaqada uga eryay in ka badan 96 garsoore.