Xarunta tijaabada hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la xirayaa bisha May ee sanadkaan, sidda uu shaaciyay xaafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.
Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in xiritaanka xarunta Punggye-ri ay noqon doonto mid cad oo aan qarsoodi ahayn, iyadoo lagu casuumi doono in ay goob joog ka noqdaan khubaro ajaanib ah oo ka socda Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.
Saynisyahnno ayaa rubaysan in xaruntaan ay qayb ahaan duntay ama burburtay bishii Septembar ee sanadkii hore.
Jimicihii, ayaa Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii gacanka Kuuriyada mid ka caagaan hubka Nukliyeerka uu u noqon lahaa.
Kulanka labada Hoggaamiye ayaa yimid kaddib dhawr bilood oo hadalo kulkulul ay ka baxayeen Kuuriya Waqooyi.
Sabtidii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay u badan tahay in inuu wadahadalo ku saabsan baabi’inta hubka Nukliyeerka ah ee gacanka Kuuriyada la yeelan doono Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi toddobaadyada soo socda midkood.