Dowladda cadaadiska xoogan iyo cunaqataynta adag uu saaran yahay ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay hub Kiimako ah ay siiso dowladda Suuriya.
Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Suuriya ay u dirto qalabka lagu sameeyo hubka Sunta ah ee ay ka mid yihiin Koloorin Gaas iyo Seerin Gaas kuwaasi oo ka mid ah maadada la yirahdo ‘Nerve Agent.
Qalabka ay waqooyiga Kuuriya ay Suuriya udirto ayaa sidoo kale isugu jira Dareerayaal Aasid ah, Tubbooyin, isku dhisyo kiimiko ah iyo aalado lagu farsameeyo walxahaasi.
Warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay oo aan weli la sii deyn ayaa sheegaya in xukuumada Pyongyang khuburro ka socda oo aqoon gaar ah u leh hubka gantaalada iyo kuwa kiimikada ah lagu arkay dalka Suuriya.sida ay ku warantay Jariidadda New York Times.
Eedeymahaan ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warbixinno cusub oo sheegaya in ciidamada Suuriya ay hubka Kiimikada gaaska ah u isticmaaleen Bariga Khuuta,hasa yeeshee dowladda dalkaasi ayaa ku gacan-seyrtay wararkaasi.
Bariga Khuuta oo ah duleedka magaalada Dimishiq ayaa lagu wadaa in loo ogolaado in ay ka bilowdaan bixinta kaalmooyinka biniaadanimo,kadib laba cisho oo ay jireen xasilooni aan cago badan ku taagneyn.