K/Waqooyi oo doonaysa in ay wadahadal saddexaad la yeelato Mareykanka

77
Trump oo shaaciyay kulanka labaad ee uu la yeelan doono hoggaamiyaha K/Waqooyi. Sawirka: AP

Hoggaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in uu ka qayb qaadan doono shir saddexaad oo uu la yeelan doono Donald Trump – laakiin kaliya haddii uu Mareykanku la yimaado “mowqif saxda ah”.

Warbaahinta gobolka Kuuriyada Waqooyi ayaa soo tebisay hadalka uu soo saaray Mr. Kim on Sabtidii.

Hadalka uu jeediyay Mr Kim ayaa madaxweyne Trump ayaa ku booriyay in ay sii wado ka shaqaynta heshiis ku saabsan “caddaalad” iyo “labada dhinacba aqbali karo” labada wadan.

Labada hoggaamiye ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Singapore sannadkii hore. Si kastaba ha ahaatee, shirkii labaad ee Hanoi dalka Vietnam ee bishii Febraayo ee ku saabsanaa tallaabooyinka Nukliyeerka ayaa burburay.

Mr Trump ayaa sheegay in saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ay doonayeen in ay cunaqabatayn dhaqaale dhammaan laga qaado si ay u baab’iyaan goobaha nukliyeerka, taasi oo keentay inuu shirka burburo.

SHARE